Degmooyinka taariikhigaee Muqdisho iyo kuwa ku yaalla magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxa ay leeyihiin qiimo gaar ah. Naqshadaha guryahooda (architecture), masaajidyada iyo qorsheeynta degitaanka magaalada (urbanization) waxa ay na siinayaan caddeyn sida ay u kortay xirfadaha dhismaha magaaladu, qarni ka qarni. Dhismayaashaan waxa ay ku marqaati furayaan in waagii hore Muqdisho, Marka, Baraawe, Warsheekh, Kismaayo iyo meelo kale, ay ahayeen magaalooyinka ugu muhiimsan ee Africa. Laakin, ka hor inta aanang elin arrinta ku saabsan dhismo qadiim ah oosi cajiib leh u dhumay sannadka 1975, waxaan rabaa inaan sameeyo hordhac gaaban. Muqdisho waa caasimadda dalka waana magaalo-gobol aan dhul ballaaran laheen. Magaaladaan ma lahan dhul la beerto ama xoolo lagu dhaqdo. Dakhligeeda ugu weyn hadda waxay ku tiirsantahay (salaysan) tahay Badda.
Tanna waa sheeko aan waqti badan socon doonin maxaa yeelay dowlad goboleedyada kale ee waddanka, waxa ay dhisan doonaan dekedo aad u la tartami doona midda Muqdisho. Waarshadaha dhalan doona, waxa ay ka hirgali doonaan gobollada laga helo alaabta ceyriin (raw material) sida tacabka beeraha iyo kuwa xoolaha. Kaaga si daran caasimadda ma lahan muuqaal degaan aad u qurxoon oo la tartami kara kuwa gobollada qarkood ay leeyihiin. Markaa waxaa loo baahanyahay in masuulinta Xamar inay xoojiyaan habshaqaynta meel kasta oo ay ka soo geli karaan daqli dheraad oo shacbiga wax u tara. Qaybahaan waxaa ka mid ah “goobaha dalxiiska taariikhiga” oo u baahan in la siiyo tixgelin gaar sida ugu dhaqsi badan.
Tixgelintaan aan ka hadleyno waxaa ka mid ah in dowladda wax ka qabato goob taariikh oo ay ku taallo inta u dhaxeysa dhismahii loo aqoon jiray matxafka Garesa (waxaa la dhisay 1872kii, laakiin 1933 ayaa matxaf laga dhigay) iyo dhismahii hotel Curuba oo hadda la burbiriyay. Goobtaan taariikhiga dadweynaha dhan ay ka dhaxeeysaa waxayna qadka ka baxday markii la dhisay hotel Curuuba. Dhismahaan ay dadkaqaarkood u yaqiineen Daarta Mudhaffar, waxaa aad u badbaadiyay talyaaniga waqtigaas ka talin jiray waddanka. Sawirrada aan idiin soo bandhigi doono waxay si fiican u caddeynaayaan meesha ay ku oolli jirtay iyo muuqalkeeda. Xog badan kama hayno dhismahaan muhiimka ah, maxaa yeelay si cilmiyeysan weli ma loo baarin. Wuxuu noqon karaa masjid ama madrasadii oo lbn Battuta lagu soo dhaweeyay qarnigii 7aad ee Hijriiyadda. Dhererka dhismaha, inta talyaaniga ay soo faageen waxaa lagu qayaasikaraa 6 m. Haddaba waxaan rajeyneynaa in dowladdu weegaarto goobtaas oo ay UNESCO ama talyaaniga oo marka hore soo saareen, ay weydiisato archeologist goobtaas baaritaan ku sameeyo kadibna dadweynaha u soo celiyo inta Jasuurkaas qiimaha badnaa ka hartay.
Nuredin Hagi Shiikey